Raisul Wasaare Rooble mala qiyaanay mise ogaal ayuu sidan u sameeyey? 

Tobon iyo sadexdii bishii October ee sanadkii 2019-kii ayuu Kheyre ka qeyb galay munaasabad lagu billaabayay dhismaha xaruntaas, oo uu sheegay abuuriddeeda ay ku timid baahi weyn oo loo qabay.

Warar Keydmedia Online
 Raisul Wasaare Rooble mala qiyaanay mise ogaal ayuu sidan u sameeyey? 

MOGADISHU, Soomaaliya - Hadal heyn badan ayaa ka dhalatay kadib markii Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu shalay dhagax dhigay xarunta gurmadka Qaranka, taasuu sanad ka hor dhagax dhigay Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre.

13-kii bishii October ee sanadkii 2019-kii ayuu Kheyre ka qeyb galay munaasabad lagu billaabayay dhismaha xaruntaas, oo uu sheegay abuuriddeeda ay ku timid baahi weyn oo loo qabay.

Bogga rasmiga ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku leeyahay Facebook-ga ayaa la soo galiyay muuqaal laga soo duubay dhagaxdhigga Xarunta Gurmadka Qaran, iyadoo dhagax dhigan labaad uu muujinayo in la marin habaabiyey RW cusub, taasoo banaanka soo dhigtay in Rooble uusan ka war heynin waxqabadkii xukuumadii ka horeysay maadaama uusan xilka kala wareegin RW hore.

Qaraxii Zoobe oo sababay in la aasaaso Xarunta Gurmadka Qaranka ayey ku dhinteen dad kor u dhaafayay 600 oo ruux, oo dhammaantood rayid ahaa.

“In xaruntan la dhagax dhigo waxay ka dhalatay dhacdo xanuun badan oo ay u gurmadeen dhammaan shacabka Soomaaliyeed, wiilal iyo gabdho isxilqaamay oo halkan ku shaqeeyay markii ay nagu dhacday dhacdadii 14-ka October, warbixintii ay la wadaageen xukuumadda ayaa waxay ahayd in la dhiso xarun gurmad qaran oo mustaqbalka umadda loogu adeego.” Erayadaas ayaa ka mid ahaa khudbaddii uu Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre ka jeediyay munaasabaddaas.

Hase ahaatee sanad ka dib RW Rooble ayaa isla goobtii ku dhagax dhigay dhismaha xaruntan gurmadka deg deg ah taasoo lagu beegay isla munaasabada 14-ka Oktoobar waxayna dad badan ku abuurtay arrintan yaab iyo amakaag, welina kama hadlin xafiiska Ra'isul Wasaaraha, iyadoo dhacdadan si weyn u qabsatay baraha bulshada oo si weyn looga hadal hayo

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.