Rajadii Wasiirka Qorsheynta [Jamaal] oo ceel ku dhacday

Madaxtooyada Puntland ayaa wadda dadaalki ugu danbeysay oo ay meesha uga saareyso soo laabashada Wasiir Jamaal, ee kursiga HOP169, iyadoo la adeegsanayo saxiixaha kursiga.

News Keydmedia Online
Rajadii Wasiirka Qorsheynta [Jamaal] oo ceel ku dhacday

GAROWE, Soomaaliya – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, ayaa Isimka guud ee Beesha Dubeys, Warsangeli, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdullaahi Cartan, u adeegsanaya sidii kursiga HOP169, loo dhaafin lahaa Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, oo muddo ku daabnaa Farmaajo.

Sida ay caddeynayaan xogo hoose, oo Keydmeida Online, ka heleyso Madaxtooyada Puntland, Deni, ayaa qorsheeyay inuu beddelo Jufada kursiga ku fadhisay baarlamankii 10-aad, ee uu ka dhashay Jamaal Maxamed, taas oo Wasiirka Qorsheynta, ka hor istaagi doonta baratanka kursiga laga leeyahay Dhahar.

Suldaan Maxamed Cabdullaahi Cartan, oo aad ugu dhow xaafiiska Siciid Deni, ayaa la filayaa inuu soo saaro go’aanka kama danbeysta ah, ee Wasiir Jamaal, looga hor istaagayo, tartanka HOP169, oo doorashadiisu ka dhaceyso magalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sida ay noo xaqiijiyeen, xubno ka tirsan, Guddiga doorashooyinka heer dowlad gobolleed ee Puntland,  [SEIT] kursigaan ayaa u wareegi kara jufada “Reer Maxamed Cumar” oo ku tirsan beesha Dubays ee Warsangali, oo ka maqnaa matalaadda baarlamaankii 10-aad.

Xoguhu, waxa ay intaas ku darayaan, in Madaxweynaha Puntland iyo Isimka guud ee Beesha Dubeys, oo ka mid ah 135 saxiixayaasha ah, ay isla meel dhigeen in kursigaan loo xiro nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Cali Mahdi Maxamed [Qalato].

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa hadda ku sugan Boosaaso, oo ay ka dhici doonto doorashada 16 kursi oo ka tirsan Golaha shacabka, wuxuuna maalmo ka hor kulan la qaatay hoggaamiyayaasha PSF, ee Ilmo Diyaano.

Jamaal Maxamed Xasan, ayaa hore lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo ku-tagri-fal awoodeed, waxaana eedo xooggan oo ku aaddan lunsashada xoolo dadweyne u jeediyay Agaasimahii hore ee Wasaaradda Cabdiqaadir Maxamed.

Wasiir Jamaal ayaa mudo dheer joogay xafiiska, taasoo u fududeysay inuu sameysto xiriiro dibadda ah, oo aad u xoogan, waana ninka deeqbixiyaasha u gudbiya mashaariicda dowladda, wuxuuna soo noqdey Safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Jamaal, wuxuu bartamihii 2021, hay'adaha iyo ururada caalamiga ah u qaybiyay warbixino uu kaga been-abuuranayo sida qabiilada Soomaaliyeed u kala deggan yihiin Muqdisho, si mustaqbilka dadka asal ahaan ka soo jeeda gobolka benaadir loo barakiciyo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.