Meles Zenawi oo Geeriyooday?

Nairobi (Keydmedia Online) - Idaacada iyo Talefishanka Dalka Ethopia (ESAT) ayaa soo wariyay inuu geeriyooday Ra'iisul wasaaraha dalka Ethoipia Meles Zenawi kaasoo xuklunka dalkaasi Ethopia ka arriminaayay 21-kii sano ee la soo dhaafay.
Warar Keydmedia Online
Meles Zenawi oo Geeriyooday?

R/wasaare Meles Zenawi ayaa waxaa uu muudooyinkii ugu damabeeyay uu wajahaayay xanuun aad u darran oo ka heystay Kelyaha iyo sidoo kale Beerka, waxaana lagu daweynayay isbitaal ku yaalla dalka dibadiisa,  

Raadiyaha warkaan bahiyay ayaa sidoo kale sheegay in Ururka caalamiga ah ee ICG uu hadda diyaarinaayo war bixinno ku saabsan geerida Meles Zenawi oo la sheegay inuu geeriyooda isagoo 57 sano jir ah.

Meles Zenawi Asres ayaa taariikhdu markay ahayd 8 May 1955 waxaa uu ku dhashay magaalada lagu magacaabo Adewa ee Tigrayga, wuxuuna xilka Ra'iisalwasaaranimo uu la wareegay sanadkii 1995.

Keydmedia Online ayaa baaritaan ku heysa Warkaan - Wixii ku soo kordha kala soco [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi