Rayid ku dhaawacmay qarax lala beegsaday wakiilka Faroole ee gobalka Mudug

Mudug(keydmedia) Wararka laga helayo gobalka mudug ayaa sheegaya in maanta qarax halkaasi lagula beegsaday wakiilka gobalka mudug ee maamulka C/raxmaan Faroole ninka lagu magacaabo Axmed Cali Salaad.
Warar Keydmedia Online
Rayid ku dhaawacmay qarax lala beegsaday wakiilka Faroole ee gobalka Mudug

Qaraxa oo ahaa mid xoogan loona adeegsaday miino nuuca ramuudka laga hago ah ayaa ka dhacay saldhiga darwiishta ee ku yaala dhanka waqooyi ee magaalada Galkacyo, waxaana la sheegay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen laba qof oo rayid ah oo midooda Haweeney ay aheyd.

Dhawaantanba deegaanada uu ka taliyo maamulka Faroole waxaa ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan, oo lagula kacayo taageerayaasha C.raxmaan Faroole ee ku kala sugan gobalada Bari, Nugaal iyo mudug.

Www.keydmedia.net