Reer Cabudwaaq oo ahlu-sunna dhaliilay

C/waaq(keydmedia) Odayaal ku abtirsada beesha degta degmada C/waaq ee gobalka Galguduud ayaa si weyn u dhaliilay maamulka culimadda ahlu-sunna ee gobalkaasi
News Keydmedia Online

Odayaasha ayaa waxa ay ka dhawaajiyeen in gabi ahaanba ay beeshooda qaadacday ka mid ahaanshaha dhaq dhaqaaqa Ahlu-sunna iyagoona ugu gacan haatiyay xubnaha kale ee ka midka ah beesha ee ku jira Ahlu-sunna in ay si deg deg ah uga baxaan.

Waxaa ay ku sababeeyeen arinta khilaafka ahlu-sunna iyo odayaasha iyadoo kooxda ahlu-suna ay hareer martay ballan ay hore ula gashay odayaasha kaasoo ahaa in maamulka loo wada sinnaado.

Www.keydmedia.net