Roob caruur ku dilay duledka Muqdisho.

Muqdisho (Keydmedia) - Roobab xoogan oo xalay ilaa gelinkii hore ee maanta kada’ayay muqdisho iyo deegaanada ku xeeran ayaa waxa ay galaafteen nolosha laba carur ah oo ku noolaa deegaanka km13 ee duledka koofureed ee caasimada Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Roob caruur ku dilay duledka Muqdisho.

Caruurta roobku uu dilay ayaa lasheegay in mid kamid ah uu jiray 30 maamood oo kali ah, waxaana wararku intaa ku darayaan in haween da’a ah oo isla deegaankasi ku nool ay aad u ildaranyihiin kadib markii ay u adkeysan waayeen dhibicda roobka oo aysan u heysan gabaad ka difaaca.


Dhanka kale, roobka mahiigaanka ah ayaa waxa ay si aad ah u saameeyeen dhibanayaasha aabaarta ee muqdisho ku nool ku waas oo iyana hoy la’aan ay heysato.

Roobabka maanta iyo xalay waxa ay sidoo kale hakad ku keenen howlihii bulshada iyada oo inta badan goobaha ganacsiga maanta ay xirnaayeen wadooyinka magaaladana biya jareen.


www.keydmedia.net