Rooble oo goobaya arin aan looga maarmin doorashadda

Daka wuxuu aadayaa doorasho sanadkan, waxaana jira walaac xoogan oo laga qabo in hanaanka uu faragelinta ku hayo Farmaajo in wax la isla ogol yahay kasoo bixi waayaan.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo goobaya arin aan looga maarmin doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan la yeeshay Wakiiladda Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya, kuwaasoo uu kala hadlay arrimo dhowr ah, oo la xiriira doorashooyinka.

Marka hore wuxuu Rooble warbixin ka siiyay Diblomaasiyiinta ajnabiga ah dedaallada socda ee isaga uu hormuudka u yahay iyo waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda tan iyo markii heshiiska doorashadda lagu gaarey Muqdisho May 27.

Arinta ugu muhiimsan ee ahayd ujeedka Shirka loo qabtay ahaa ah in Rooble uu waydiisto Beesha Caalamka taageero dhaqaale oo lagu fududeeyo doorashooyinka, maadaama dowladdii Farmaajo waxba meel u dhigin, oo afartii sano ee lasoo dhaafay dakhligii soo galay lakala boobay, cid walba meel gaar ah ku shubatay.

Lacag ka badan $15 milyan ayay dowladda dalbatay, oo illaa hadda aan waxba uga imaan deeqbixiyaasha, waana arin keeni karta hadii sida ugu dhaqsiyaha badan aan lagu helin in doorashadda ay dib u dhacdo mar 4aad.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.