Goorma ayay dhacaysaa doorashadda kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland?

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka dalbaday in ay si degdeg ah ugu qabtaan doorashada, isaga oo ballan qaaday in uu garab ku siin doono dhinacyada Somaliland in ay doorashada xildhibaannada u qabsadaan si xor ah oo ay isla oggol yihiin.

Warar Keydmedia Online
Goorma ayay dhacaysaa doorashadda kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland?

Muqdisho, Soomaaliya- kulan looga hadlayay dedejinta doorashada Aqalka Sare ee gobollada Woqooyi ayaa lagu qabtay Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulanka la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare  iyo Guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Cabdi Xaashi Cabdillaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay kaalintii wanaagsaneyd ee uu ka qaatay xallinta khilaafkii arrimaha doorashooyinka Somaliland, isagoo u ballan qaaday in ay ku garab taagan yihiin hoggaamintiisa howlaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in toddobaadka soo socda la bilaabi doono doorashada xubnaha  Golaha Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka dalbaday in ay si degdeg ah ugu qabtaan doorashada, isaga oo ballan qaaday in uu garab ku siin doono dhinacyada Somaliland in ay doorashada xildhibaannada u qabsadaan si xor ah oo ay isla oggol yihiin.

Khilaafkii ka dhex taagnaa guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo xubno kale oo ka soo jeeda gobollada Waqooyi oo ku aadanaa arrimaha doorashada gobollada Waqooyi ayaa dhawaan laga gaaray heshiis ay isku waafaqeen dhinacyadii ku muransanaa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.