Rooble oo ku wajahan Imaaraadka iyo Farmaajo oo u socda Qatar

Tallaabadaan uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku hagaajinayo, xiriirka Diblumaasiyadeed ee Farmaajo iyo Kheyre xumeyen ayaa dhabar-jab ku ah damicii dowladda Qatar, ay ku dooneysa in ay isa-seejiso Soomaaliya iyo Imaaaradka.

News Keydmedia Online
Rooble oo ku wajahan Imaaraadka iyo Farmaajo oo u socda Qatar

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maalmaha soo socda la filayaa inuu u socdaalo dalka isku-tagga Imaaraadka Carabta, kadib markii uu dhawaan ku dhawaaqay in dib u hagaajin lagu sameynayo, xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dal.

Imaaraadka ayaa markii ugu horreysay afar sano kadib, dhawaan billaabay galaan-galkoodii siyaasadeed, waxayana maalmo ka hor DF ku wareejiyeen deeq cunto nafaqeysan ah iyo gargaar daawo, halka safiirkooda Maxamed Al-Cushman, uu shalay Wasaaradda Qorsheynta u gudbiyay mashaariic hor-marineed oo dowladdisu fulineyso.

RW Rooble, ayaa 7 January 2022, dowladda Imaaraadka uga mahadceliyay garab istaag ay u muujiyeen dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, wuxuuna xusay in ay ka go’atahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, isagoo ballan qaaday in Xukuumaddiisu dib u celin doonto lacag ay Farmaajo iyo Kheyre, ka dhaceen Imaaraadka 2018.

Farmaajo, intii uu xaafiiska joogay wuxuu dadaal kasta ku bixiyay sidii uu ku hor istaagi lahaa, mashaariicda Dowladda Imaaraatka ka fuliso Soomaaliya, wuxuuna meesha ka saaray kabkii miisaaniyadeed, howlihii caafimaadka, fududeyntii dal ku galka, tababarkii ciidanka iyo adeegyadii kale oo ay bixin jireen.

Sida ay sheegayaan xogaha ganacsi, Somaaliya iyo Imaaraadka sanadkii la soo dhaafay waxaa dhexmaray ganacsi ka badan $1.7 bilyan, taas oo ka dhigan in Imaaraadku yahay mid ka mid ah waddama ugu badan ee ganacsatada Soomaaliyeed wax ka iibsadaan.

Tallaabadaan uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku hagaajinayo, xiriirka Diblumaasiyadeed ee Farmaajo iyo Kheyre xumeyen ayaa dhabar-jab ku ah damicii dowladda Qatar, ay ku dooneysa in ay isa-seejiso Soomaaliya iyo Imaaaradka, iyada oo adeegsaneysa shaqsiyaad ay maalgalisay 2017-kii.

Dhanka kale, billowga bisha Febaraayo ee foodda nagu soo heysa, ayaa la filayaa in Farmaajo iyo Fahad Yaasiin u ambabaxaan dalka Qatar, halkaas oo qiblo siyaasadeed u ahayd intii ay talada hayeen, waxayna weydiisan doonaan maal-galin, si ay mar kale u tartamaan.

Kala aragti-duwanaanta siyaasadeed ee ka dhex qaraxday Farmaajo iyo Rooble, ayaa saameyn xooggan ku yeelatay qorshihii kooxda waqtigu ka dhamaday ka lahaayeen doorashooyinka, waxaana hadda saaxad siyaasadeed heysta musharixiinta kale oo qaarkood ku daaban yihiin xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.