Rooble oo xilka ka qaaday Kullane Jiis

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabtii Jimcadda xilka ka qaaday Taliye ku xigeenka Hay'adda Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Kullane oo ku magac dheer 'Kulane Jiis'. 

Warar Keydmedia Online
Rooble oo xilka ka qaaday Kullane Jiis

Agaasimihii Shaqaalaha Hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane & taliyihii Nabad Sugidda ee groonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sh Cali ayaa galabta xillalka laga qaaday sida uu shaaciyay Xafiiska Ra'isul Wasaaraha. 

Kullane Jiis ayaa jabiyay amarkii Rooble kadib markii uu Guddoomiyahii hore ee gobolka Gedo, Cusmaan Nuur Xaaji (Macalimow) kahor istaagay inuu maata ka duulo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Dhawaan ayay ahayd, markii Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, uu fariintiin adag u diray Taliyaha Nabad-sugidda iyo sir-doonka Qaranka, Fahad yaasiin Xaaji Daahir iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kaas oo uu ku sheegay in aan qofna laga hor istaagi karin safarrada Jubbaland.

Wixii faah-faahin ah kala soco bogga wararka ee KON

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.