RW Rooble: “Farmaajo iyo Kheyre waa ii siman yihiin”

Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta Rooble, ayaa mar kale ballan qaaday inuu diyaar u yahay qabashada doorasho, la isa oggol yahay oo aan buuq iyo is qab-qabsi lahayn.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble: “Farmaajo iyo Kheyre waa ii siman yihiin”

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa mar kale ku celiyay inuu diyaar u yahay qabashada doorasho dhexda taalla oo ka fog nin tooxsi iyo nin jicleysi qaas ah ama nin necbeysi gooni ah.

RW Rooble, oo hadal kooban ka jeediyay kulan maanta loogu sameeyay degmada Deyniille ee Goboolka Banaadir, ayaa sheegay in masuuliyadda ugu weyn ee doorashooyinka dalka ay dul saran tahay dadka Caasimadda degan, lana doonayo gacmaha la is qabsado, si loo guto waajibaadka.

“Aniga ka Ra’iisul Wasaare ahaan, xaqiiqdii maanta hortiinna ayaan ka ballan qaadayaa, waxaan rabaa si caddaalad iyo hufnaan iyo Alle ka cabsi leh in aan u fuliyo doorashadaas”. Ayuu yiri RW Rooble.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in dhamaan Siyaasiyiitu u siman yihiin, wuxuu yiri; “Waxaan tusaale u soo qaadanayaa saaxiibkay iga horreyay RW Kheyre, oo Musharrax ah iyo Madaxweyne Farmaajo haddii ay tartamayaan waa ii sinnaanayaan”.

Maxamed Xuseen Rooble, wuxuu xaqiijiyay in uusan jirin Musharrax uu wato, diyaarna uu u yahay inuu falo caddaalad, si ay dalka uga qabsoonto doorasho la isla oggol yahay, “Musharixiinta waxaan leeyahay igu kalsoonaada aniga ayaa idiin jooga”. Ayuu yiri.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.