RW Rooble iyo guddoomiyaha midowga musharaxiinta oo kulmay

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay guddoomiyaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 Shariif Sheekh Axmef.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble iyo guddoomiyaha midowga musharaxiinta oo kulmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Shariif Sheekh Ahmed oo wakiil ka ah xubnaha Midowga Musharrixiinta oo uu wehliyo Musharrax Mustafa Dhuxulow ayaa kulan gaar ah la qaatay Ra'iisul Wasaare Rooble. Kulankan ayaa ka dhacay Hotelka Peace

Shirka ayaa ah mid Midowga Musharrixiinta ay garab istaag ugu muujinayaan Ra’iisul Wasaare Rooble la wareegitaanka howlaha doorashooyinka iyo amniga.

Waxaana lagu wadaa inuu dhaco kulan kale oo ay isku arkayaan xubnaha golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha kahor inta aan la gaarin shirka lagu wado inuu dhaco 20 -ka April kaasoo galabta uu iclaamiyay Ra'iisul Wasaaraha.

Golaha ayaa horay usoo dhaweeyay doorka daadihinta arrimaha doorashooyinka iyo amniga ee lagu wareejiyay RW Rooble.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].