Rooble iyo James Swan oo kulan gaar ah yeeshay

Arrimaha ugu muhiimsan ee laga hadlay waxaa kamid ah doorashooyinka, maadaama lagu jiro waqti xasaasi ah, iyadoo aan la sameynin wali diyaargarow wanaagsan.

Warar Keydmedia Online
Rooble iyo James Swan oo kulan gaar ah yeeshay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan ayaa Maanta Villa Somalia kula kulmay Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna kawada hadleen arinta doorashadda la qorsheeyay inay billaabato 1-da December.

"Waxaan kulan wax ku ool ah la yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee QM James Swan. Waxaan kawada hadalnay arrimaha doorashooyinka, amniga, Shirka Somali partnership Forum - Madasha Iskaashiga Soomaaliya, ee soo socota iyo kobcinta dhaqaalaha dalka," ayuu yiri Rooble.

Swan ayaa sheegay in Xukuumadda cusub ee Soomaaliya looga baahan yahay dardar geliso howlaha horyaalla, oo looga fadhiyo inay ku qabato mudo saddex bilood ah, iyadoo laga fogaanayo dib u dhac doorasho.

QM ayaa kamid ah hay'adaha caalamiga ah ee taageera Soomaaliya, iyadoo dowladda ka caawisa dhinacyada amniga, kabista miisanaiyadda iyo bixinta mushaaraadka qeybo kamid ah Ciidan iyo la-taliyeyaasha Madaxda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.