RW Rooble oo booqday saldhiga TURKSOM

Waxaa ku wehliyay booqashadda Safiirka Turkiga iyo Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya, iyadoo xarunta ay diyaar ku ahaayeen boqolaal askari oo tababaro u socda.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo booqday saldhiga TURKSOM

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa booqasho ku tagey saldhigga Turkiga ee ku yaalla duleedka Muqdisho, gaar ahaan degaanka Jazeera iyadoo ay la socdaan Safiirka Turkiga iyo Wasiir Cadaaladda.

Saldhigga TURKSOM oo la furay 3 sano kahor ayaa waxaa lagu tababaraa Ciidanka booliska Haram-cad iyo cutubyo kale, kuwaaasoo uu maanta sida loo carbinayo kormeer ugu tagey Rooble, oo xafiiska ku cusub.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.