Guddi loo magacaabay dagaalladii Muqdisho ka dhacay

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi umagacaabay dagaalladii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho

Warar Keydmedia Online
Guddi loo magacaabay dagaalladii Muqdisho ka dhacay

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobe ayaa magacaabay Guddi Farsamo oo ka soo tala bixiya xal ka gaarista dagalladii ka dhacay magaalada Muqdisho horraantii toddobaadkii hore.

Guddigan ayaa waxa uu isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano kuwaasoo ka kala socda Xukuumadda iyo Mucaaradka. waxaana la faray in ay howshooda gutaan si loo dhammeeyo dhibaatooyinkii dhacay intii ay socdeen dagaallada sababay dhimashada iyo dhaawaca.

Xilka iyo waajibaadka Guddiga ayaa lagu sheegay saddex qodob oo kala ah:

  1. Xallinta caqabadaha saameeyay ciidamada ee ka dhashay arrimaha siyaasadda.
  2. Dib-u-celinta ciidamadii ka soo baxay furimaha ee soo galay magaalada Muqdisho
  3. Baabi’inta calaamadihii ka dhashay shaqaaqadii ka dhacday magaalada

Waxaana loo qabtay guddiga in howshiisa uu kusoo gabagabeeyo muddo shan cisho ah, iyadoo ay shaqadooda bilaabaneyso isla maanta.

Halkan hoose ka akhriso magacyada mas'uuliyiinta xubnaha ka ah guddiga:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].