RW Rooble oo ka hor yimid shuruudaha Farmaajo

Wada-hadalladii u socday Rooble iyo Farmaajo, ayaa qarka u saran in ay burburaan, kadib markii uu Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka biya diiday shuruudo u jeedkoodu yahay in lagu daboolo kiiska Ikraan.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo ka hor yimid shuruudaha Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka hor yimid dhowr shuruudood oo Farmaajo u soo dhiibay Maxamed Mursal iyo Axmed Qoorqoor, kuwaas oo sheegay in ay u istaageen sidii ay xal loogu raadi lahaa khilaafka labada xaafiis.

Hoggaamiyaha Galmudug iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, ayaa habeen ka hor Madaxtooyada ka dhex bilaabay waan-waan, hayeeshee, dadaalladaas ayaa qarka u saran in ay mar kale fashilmaan kadb markii Ra’iisul Wasaaruhu ka hor yimid shuruudo uu heshiiska ku xiray Farmaajo.

Sida ay caddeynayaan xogo hoose, Farmaajo, wuxuu doonayaa in la hir-galiyo Saddex qodob kuwaas oo kala ah;

  • In Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur loo wareejiyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
  • In Xeer jajab lagu dhameeyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ku maqan hay’adda NISA.
  • In Bashiir Goobe loo magacaabo xil kale, isla-markaana uu agaasimaha NISA isagu magacaabo.

Ilo aad ugu dhow xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa Keydmedia Online u sheegay in Rooble, ka biya diiday qodobadaas, taas oo sababtay in xalay lagu kala seexdo iyada oo aan la gaarin wax is fahan ah.

Qoorqoor, Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Carab iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Al-Caddaala ayaa xalay fiidkii, go’aanka Ra’iisul Wasaaha u geeyay Farmaajo, mana jiro wax hor mar ah oo laga sameyay wada-hadallada.

Dadaallo dhex-dhexaadin oo ay sidaan oo kale, garwadeyn ka ahaayeen Lafta-gareen iyo Qoorqoor, ayaa burburay 12-kii bishaan, kadib markii Farmaajo diiday in kiiska caddaalad raadinta Ikraan loo daayo hay’adaha garsoonka, isla-markaana uu si buuxda uga horyimid magacaabidii Ra’iisul Wasaaraha ee Bashiir Goobe.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 28 October 2021 17:40

Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo wafti uu hoggaamin doono ee xubnaha Guddiga Batroolka, ayaa la rumeysan yahay in ay maalmaha soo socda ka ambabaxaan Muqdisho, si u soo xaraashaan xirmooyinka shidaalka Soomaaliya.