RW Rooble oo ka jawaabay eedeyntii qaar ka mid ah GMM

Sii-hayaha, xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka jawaabay eedeyn loo jeediyay, wuxuuna mar kale ku celiyay in uusan jirin wax dib u dhac ah oo ku yimid shirkii uu iclaamiyay 20-ka May.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo ka jawaabay eedeyntii qaar ka mid ah GMM

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka jawaabay war qoraal ah oo ka soo baxay Mushariixnta, kaas oo lagu muujiyay walaac ah in RW Rooble ka caga-jiidayo dhaqan galinta howlaha hor yaalla ee hor tabinta leh.

Qoraalkaan oo dib laga ogaaday in aysan u dhamayn Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa lagu sheegay in RW uu galay safarro laga baaqsan karay, isla markaana uusan u madax banaaneyn howlaha loo igmaday

Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Rooble oo ka jawaabayay eedahaas ayaa yiri, “Soomaaliya waxay galeysaa doorasho. Waxaana socda diyaar garowga shirkii aan iclaamiyay 20-ka May oo ku qabsoomaya muddadii aan u qabannay Inshaa allaah.

Kadib markii Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu RW ku wareejiyay hoggaanka doorashooyinka, waxaa yaraaday culeyskii Mucaaradka iyo daneeyayaashu saarayeen Farmaajo, halka qabashada shaqooyinka looga fadhiyo Rooble.

Waxaa la filyayaa in hirgalinta hannaanka doorashooyinka uu billow u noqdo, shirka wada-tashiga ee dhawaan ka furmaya Caasimadda, kaas oo RW Rooble isugu yeeray Madaxda Maamullada xubnaha ka ah Fadaraalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.