RW Rooble oo kulan la qaatay Ganacsato

Ra'iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta ah ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ee gobolka Benaadir ku sugan.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo kulan la qaatay Ganacsato

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisulwasaaraha Xil gaarsiinta ah ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la hadlay ganacsatada ku sugan gobolka Benaadir.

Rooble ayaa kulanka uu la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed waxa uu kala hadlay in ay kaalin mug leh ka qaataan xakameynta iyo la tacaalidda Caabuqa Covid-19 ee dalka ku soo labakacleeyay.

Ganacsatada maanta la kulantay RW Rooble ayaa horay waxay qeyb uga qaateen la tacaalidda caabuqa, iyagoo isbitaallo dhowra geeyay agab caafimaad oo isugu jira Oksijiinka neefta siiya bukaanada uu soo ritay Corona Virus ka iyo dawooyin kale oo aad u tiro badan, xukuumadda ayaa mar kale kaalmo weydiisanaysa ganacsatada si ay mar kale kaalin uga qaataan faafidda caabuqa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.