RW Rooble oo la kulmay Beesha Caalamka

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay qaar kamida xubnaha wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo la kulmay Beesha Caalamka

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mida xubnaha wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, diyaar garowga shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo taageerada beesha caalamka ee geeddi socodka doorashooyin dalka.

Rooble ayaa ka codsaday xubnaha Beesha Caalamka ee kulanka fadhiyay in ay sii joogteeyaan taageerada ballaaran ee ay siiyaan dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna ku ammaanay doorkooda ku aaddan ka mira dhalinta heshiiska udhaxeeya dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka oo muran xoog leh uu hareeyay.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa iclaamiyay shir Golaha Wadatashiga Qaran ee madaxda Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe kaasoo loo qorsheeyay inuu dhaco 20 bishan oo ay ka harsan tahay muddo laba maalin ah, inkastoo laga cabsi qabo in uu dib uga dhaco waqtigaas maadaama aysan weli soo xaroon madadii dowlad goboleedyada ka qeyb gali lahayd kulankaasi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.