RW Rooble oo la kulmay xubno kasocda Beesha Caalamka

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdi ka socda Beesha Caalamka, kuwaasoo waday dadaallo sidii lagu dhammeyn lahaa heshiiska doorashooyinka.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo la kulmay xubno kasocda Beesha Caalamka

MUQDISHO, Soomaaliya - RW Rooble ayaa qaabilay xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo xafiiskiisa ugu yimid maanta, waxa ayna ka wada hadleen xaaladda doorashooyinka oo weli muran xoog badan uu ka taagan yahay.

RW Rooble ayaa yiri "Waxaan Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka. Waxaan is dhaafsannay aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda & dhowrista xasilloonida guud ee dalka"

RW Rooble ayaa ku guul darreystay dhammeynta xiisaddii doorashooyinka ee dhalatay inta uusan imaan xafiiska, waxa uuna dhinac kala saftay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo, isgoo kala shaqeynaya sidii uu mar kale xafiiska ugu soo laaban lahaa.

Waxa uu diiday inuu raalli gelin ka bixiyo wixii dhacay Jimcihii lasoo dhaafay, si uu ula kulmo midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, hayeeshee markii uu diiday inuu raalli gelin ka bixiyo ayuu burburay dadaalladii nabadeenta ee laga dhex waday dowladda iyo musharaxiinta madaxweeynaha.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.