RW Rooble oo la shiraya xubnaha Beesha Caalamka

Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya, ayuu kulan uga socdaa Xerada Xalane.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo la shiraya xubnaha Beesha Caalamka

MUQDISHO, Soomaalia - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa shir uga socdaa Teendhada Afisyooni.

Sida ay xaqiijiyeen ilo loo qaateen ah, shirkaan oo looga hadlayo xaaladaha guud ee siyaasadda dalka, ayaa aad loo falanqeeyay, ariinta ku saabsan xallinta ciidanka gadoodsan, doorashooyinka iyo guud ahaan howlaha hor yaalla Xukuumadda.

Kulanka waxaa sidoo kale looga arrinsanayaa halka lagu qabanayo iyo amnigiisa cidda ilaalineysa shirka wada-tashiga ee Ra’iisul Wasaaruhu iclaamiyay 20-ka bishaan, kaas oo la filayo in ay ka soo qeyb galaan Madaxda Maalul goboledyada iyo saamileyda kale ee siyaasadda.

Shirkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu la yeeshi Beesha Caalamka, tan iyo markii Ra’iisul Wasaaruhu la wareegay arrimaha doorashooyinka iyo amniga oo looga fadhiyo inuu dhawaan guda galo hirgelinta heshiiskii 17 -kii September.

Rooble ayaa weydiisanaya xubnaha wakiilada Beesha Caalamka in la taageero, maadaama ay beesha caalamku horay ujoojiyeen taakuleyntii dowladda Soomaaliya ay siin jireen sababo la xiriira daaha ku yimid doorashooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.