RW Rooble oo loo diiday inuu hor yimaado Golaha Shacabka

Ra'iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa loo diiday inuu hor yimaado kulankii maanta ay yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo loo diiday inuu hor yimaado Golaha Shacabka

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta lagu waday inuu Baarlamaanka ka jeediyo khudbada uga hadlayo waxqabadka 100 Maalmood Xukuumadda, marka Xildhibaanada loo qeybiyay ayaa loo diiday, iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaannada Mucaaradka ay dadaal u galeen in laga saaro ajandaha inuu Baarlamaanka yimaado.

Guddoomiye Mursal ayaa yiri "Sida xeer hoosaadka qabo Ra'iisul Wasaaraha wuxu heysta muddo 24 saac ah taasoo ka dhigan in maalinta arbacada ah uu yimaado" RW Rooble ayaa isku diyaarinayay inuu ka hadlo wax qabadka 100 maalin ee uu xafiiska joogay, iyadoo xildhibaanada mucaaradka ay dalbadeen in laga saaro ajandaha maanta ee doodda Golaha Shacabka BJFS.

RW Rooble ayaa lagu wadaa inuu Arbacada hor tago fadhiga baarlamanka Soomaaliya si uu halkaas uga soo jeediyo wax-qabadka 100 maalin ee uu xafiiska fadhiyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.