RW Rooble oo Madaxtooyada ku soo dhaweeyay Gen Cabdalla

Cabdalla, oo si weyn u yaqaanna Fahad iyo Farmaajo, isla-markaana la soo shaqeeyay in muddo ah, ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, waxaana xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

News Keydmedia Online
RW Rooble oo Madaxtooyada ku soo dhaweeyay Gen Cabdalla

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliye ku xigeynkii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, General Cabdalla Cabdalla, ayaa afar sano kadib maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho oo ay ugu danbeysay sanadkii 2018.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, oo musuuliyad gaar ah iska saaray inuu xaal-mariyo shaqsiyaadkii Fahad iyo Farmaajo dhibaateeyeen, ayaa kusoo dhaweeyay Madaxtooyada, gaar ahaan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

“Waxaan aad ugu mahadcelinayaa RW Rooble oo maanta igu qaabilay Xafiiskiisa, si rasmi ahna iigu soo soo dhaweeyay inaan dib ugu soo laabtay dalkayga hooyo, waxaana u rajaynayaa Guul iyo Mustaqbal wanaagsan”, ayuu yiri General Cabdalla.

Dib u soo laabashada Cabdalla Cabdalla, ayaa ku soo beegmeysa, xilli uu wareysi aan si buuxda loo baahin bixiyay eedeysane Fahad Yaasiin, kaasoo uu Janaraalku muddo dheer ku eedeynayay inuu xiriir la leeyahay Kooxda cilaaqaadka la leh Al-qaacida ee Al-Shabaab.

Cabdalla Cabdalla, wuxuu bishii Sep, 2018, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, u gudbiyay dacwo ka dhan ah Fahad, eeddeeduna ahayd inuu la shaqeeyo Kooxda Al-Shabaab, dacwaddaas waxaa qabtay Xafiiska Xeer Ilaalinta 2-dii September 2018.

Gen Cabdladda, oo si weyn ugu dhuunduleela dhaqdhaqaaqyada Ha’adda Nabad-sugidda, ayaa ahaa shaqsigii ugu horreeyay bannaanka keena in hoggaankii xilligaas ee NISA, uf-duubeen Ikraan Tahliil Faarax, oo maqane ah tan iyo 26-ka bishii June 2021.

Sidoo kale sarkaalkaan, ayaa xilliyo kala duwan soo jeediyay in furaha baarista dilalka Saraakiisha NISA laga soo bilaabo dilkii Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, AUN Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, isagoo rumeysan inuu dilkiisa ka danbeeyay Fahad.

Wuxuu xaqiijiyay in saraakiil badan oo ka tirsan hay’adda NISA, loo khaarijiyay kiiska dilkii Injineer Yarisow, Isla-markaana wuxuu xusay in F&F ay dadaal kasta ku bixinayeen sidii ay ku dabooli lahaayeen kiiskaas, si aysan oodda u goosan kiisaska kale ee ku hoos duugan.

Cabdalla Cabdalla, waxaa xilka Agaasime ku xigeynka ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Qaranka ka raacdeeyay Farmaajo, Ka dib muranka dheer ee u dhexeeyay Cabdalla iyo Fahad Yaasiin, kaasoo sababay in xilli habeen ah loo dhaco guriga sarkaalkaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.