RW Rooble oo raacdeeyay Fahad Yaasiin

Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo raacdeeyay Fahad Yaasiin

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xilkii ka xayuubiyay Agaasimihii hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo ku eedeysan inuu ka danbeeyay af-duubka iyo dilka Ikraan Tahliil Faarax.

Shaqo ka-joojinta Fahad Yaasiin, ayaa timid, wax ka yar 48 saac oo Ra’iisul Wasaare Rooble u qabtay inuu xog faahfaahsan ka keeno kiiska uu ku eedeysan yahay, kaadib markii Fahad si dadban u diiday xalay fiidkii amarkii sii-hayaha xilka Xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliya, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, oo loo yaqaan (Bashiir Goobe), ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay xilka agaasimaha NISA. Goobe, wuxuu isla xilkaas soo qabtay 2013-kii.

Fahad Yaasiin, waxaa la faray in uu xilka ku wareejiyo muddo Saddex maalin gudaheed ah, halka hay’adaha Dowladda lagu amray in ay la shaqeeyaan Bashiir Goobe.

Go’aanka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ahaa mid aad loo sugayay, wuxuuna amaray xeer-ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida Cabdullaahi Buulle Kamaay, inuu baaris rasmi ah ku sameeyo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax, isagoo kiiska horgeynaya maxakamadda awoodda u leh.

Farmaajo ayaa bishii Agoosto 2018, Fahad u magacaabay xilka agaasimaha hay’adda Nabad-sugidda, xilligaas oo laga soo badelay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.