Danjiraha Finland Erik Lundberg oo la badalay

Erik Lundberg, danjiraha Finland ee Soomaaliya, ayaa maanta kulan sagootin loogu sameeyay Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta.

Warar Keydmedia Online
Danjiraha Finland Erik Lundberg oo la badalay

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan sagootin ah, maanta Xaafiiskiisa ugu sameeyay Safiirka dalka Finland u joogay Soomaaliya, ku dhawaad Saddexdii sano ee la soo dhaaafay, kaas oo mudadii xil heyntiisa dhamaaday.

RW Rooble, ayaa danjire Erik lundberg, uga mahadceliyay kaalintiisii xoojinta xiriirka labada dal iyo doorka dowladda Finland ee dowlad dhiska Soomaaliya, sida lagu sheehay war ka soo baxay xaafiiska Rooble.

Erik lundberg, waxuu qeyb ka ahaa safiirro fara-ku-tiris ah oo isku howlay, in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho, la isla oggol yahay, aan cid gooni ah u xirneyn, is barbaryaac iyo muddo kordhinna ka fog.

Farmaajo, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga bishii November 2018, hayeeshee ugu dabeyn waxaa sagootigay Rooble, isagoo Farmaajo uu wali ku jiro xaafiiskii uu ka qaabilay.

Todobadyadii la soo dhaafay wuxuu waday, kalamo macasamaaleyn ah, isagoo la kulmay qaar ka mid ah Madaxda Maamullada, Wasiiradda DF, Ururada Bulshada iyo xubno kale oo muhiim ah, wuxuuna dhawaan dib ugu laaban doonaa Helsinki.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.