RW Rooble oo sii wada kulamada mucaaradka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed X. Rooble, ayaa booqasho ugu tagay caawa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo sii wada kulamada mucaaradka

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxamed Xuseen Rooble, ayaa u muuqda mid wax ka badalay dhaqankii siyaasadeed ee Kooxda Farmaajo, tan iyo markii lagu wareejiyay hoggaanka doorashooyinka dalka, wuxuuna furay waddo cusub oo Xaafiiska Madaxweynaha iyo Xukuumaddii isaga ka horreysay xireen, taas oo ah mudnaan siinta Madaxdii hore ee waddanka.

RW, ayaa caawa markale booqday hoyga uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ka degan yahay Muqdisho, wuxuuna ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga. Ra’iisul Wasaaraha & Madaxweynihii hore ayaa ka wada hadlay amniga guud & xasilloonida caasimadda & arrimaha doorashooyinka.

“Waxaan maanta hoygeyga ku soo dhoweeyay RW Maxamed Xuseen Rooble, oo aan wadaagnay farxadda munaasabadda EidUlFitr.  Sidoo kale waxaan ku bogaadiyey dadaaladiisa dardargelinta xal-u-helidda arrimaha doorashooyinka & maareynta arrimaha amniga ee xilliga kala guurka.” Ayuu yiri Madaxeyne Xasan.

Dhanka kale Xukuumadda xil-gaarsiinta, ayaa sawirada kulankaan, kaga faa’iideysaneysa ku sii adkeysashada diidmada soo magacaabiddii ergeyga Midowga Afrika, kaas oo ay sheegeen in aan hadda loo baahneyn, maadaama doorkiisa uu buuxiyay RW, Rooble.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.