RW Rooble oo weli wajahaya eedo culus

Hanaanka doorashadda Baarlamaanka ayaa u muuqda mid aan lagu wada qanacsanyn, oo ay soo baxayaan tabashooyin ay qabaan saamileyda qaar.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo weli wajahaya eedo culus

MUQDISHO, Soomaaliya - Faragelinta xafiisyada sare ee dowladda, sida Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Mahdi Guuleed ayaa caqabad ku noqday doorashadda Soomaaliya inay ku qabsoonto waqtigeeda, si hufan oo wadar-ogol ah.

Cabdi Xaashi, gudoomiyaha Aqalka Sare oo ah siyaasiga ugu miisaanka culus kuwa kasoo jeeda Somaliland ayaa aad u dhaliilay sida uu Ra'iisul Wasaare Rooble u maareeyay hanaanka turxaan-bixinta gudiyadda doorashadda.

Qoraal uu soo saarey Maanta, oo nuqul kamid ah Keydmedia Online lasoo gaarsiiyay ayuu ku sheegay Cabdi Xaashi in Rooble uu iska indha-tiray baaqyo uu u jeediyay iyo xiriiro toos ah uu uu la sameeyay, oo kaga dalbaday inuu xaliyo khilaafka ka taagan gudiga doorashadda Xildhibaanada gobollada Waqooyi.

Gudoomiyaha Senate-ka ayaa sheegay inay ku jiraan gudiga saddex xubnood oo Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha magacaabey, kuwaasoo uu tilmaamay inaysan ahayn dhex-dhexaad, oo ay kamid yihiin shaqaalaha dowladda iyo NISA.

Gudiga Somaliland wuxuu ka kooban yahay 11 xubnood, kuwaasii min 4 ay soo kala xuleen Cabdi Xaashi iyo Mhadi Guuleed halka saddexda kale uu Rooble soo magacaabey, waxayna ku kala jabeen doorashadda gudoonka oo dhinacba gudoomiye cusub doortay dhawaan.

Kala-qeybsanaanta waxaa keenay in Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ku loolamayaan kuraasta loo qoondeeyay gobollada Waqooyi, oo midba walba doonayo inuu soo saaro kuwa isaga uu wato, waana qeyb kamid ah cabaqadaha doorashadda marka laga yimaada arinta Gedo.

Hoos ka akhriso qoraalka Cabdi Xaashi:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.