RW Rooble oo wax kama jiraan ka soo qaaday go’aankii Farmaajo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, wuxuu caddeeyay in qoraallada ka soo baxay xaafiiska Farmaajo 06-09-2021 iyo 07-09-2021, ay muujinayaan inuu  wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay RW Rooble.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo wax kama jiraan ka soo qaaday go’aankii Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa wax kama jiraan ka soo qaaday go’aankii uu Farmaajo, xilalka ugu magacaabay eedeysanayaasha kala ah Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Farey oo ku lug leh kiiska Ikraan Tahliil, wuxuuna Agaasimaha Guud ee KMG ah ee NISA, Sarreeya Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ku amray in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa.

RW Rooble, wuxuu soo dhaweeyay in Farmaajo aqbalay, shaqo ka raacdeyntii Fahad Yaasiin, wuxuuna Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ku amray in ay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Bashiir Goobe.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, wuxuu caddeeyay in qoraallada ka soo baxay xaafiiska Farmaajo 06-09-2021 iyo 07-09-2021, ay muujinayaan inuu  wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay RW Rooble.

Qoraalka Xukuumadda waxaa sidoo kale lagu xusay in tallaaboyinka uu qaaday Farmaajo ay yihiin kuwo lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax, kuwaas oo Rooble, hore u sheegay in hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas.

“Ra’iisulwasaaruhu wuxuu u arkaa wax laga xumaado in Xuquuqda Muwaadin Soomalaiyeed la siyaasadeeyo taas oo ah dhaqan halis ku ah hannaanka dowladeed ee Dalka waana in ay ka waantawdo cid kasta oo ku fikiraysa arrinkaas”. Ayuu yiri Rooble.

Xeer-ilaalinta iyo Maxkmadda Ciidammada Qalabka Sida, ayuu mar kale ku adkeeyay in ay dardargaliyaan hawlaha baarista kiiska Ikraam Tahliil Faarax deg degna u hor geeyaan maxkamadda awoodda u leh, wuxuuna taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida, ku amray in ay la shaqeeyaan Xeer-ilaalinta Ciidamada iyo Hay’adaha Sharciga.

Ra’iisul Wasaare, Rooble wuxuu Shacabka Soomaliyeed uga baaqay in ay gacan ka gaystaan sidii ay caddaalad u heli lahayd Ikraam Tahliil Faarax.

Warka Ra'iisul Wasaaaraha ayaa imaanaya xilli uu Xalay Farmaajo soo saaray waxa uu ugu yeeray Wareegto Madaxweyne oo uu xilal cusub ugu magacaabay, saraakiisha NISA, ee baarritaanku ku socdo.

KEYDEMEDIA ONLINE

.

Commenting is not available in this channel entry.