RW Rooble oo Xildhibaanno la kulmay

Villa Soomaaliya ayaa ka shaqeynaysa qorshe cusub oo la doonayo in Gollaha Shacabka ku siiyaan codka kalsoonida Rooble, oo maalmo kahor xilka uu Farmaajo u magacaabey.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo Xildhibaanno la kulmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Xildhibaanno ka tirsan BFS ayaa Villa Soomaaliya kula kulmay Ra’iisul wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Xildhibaannada wehliyay ayaa Rooble u hambalyeeyay una muujiyay taageero iyo garab istaag. Keydmedia Online ayaa maanta soo qortay in lacag loo qeybiyay Xildhibaanada si ay codka kalsoonida u siiyaan RW cusub. [Halkan ka akhri Warka].

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.