RW Rooble ‘Rogane’ oo raali-galiyay Imaamka Muddolood

Sii-haya xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS  Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hoygiisa ku booqday Imaan Maxamed Yuusuf.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble ‘Rogane’ oo raali-galiyay Imaamka Muddolood

MUQDISHO, Soomaaliya - Rooble ‘Rogane’ ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay dhacdadii shalay lagu rasaaseeyay gaariga imaamka iyo duubab dhaqan oo la socday, wuxuu sheegay in arrintaasu ay ahayd mid qalafsan oo aan siyaasad ku lug lahayn.

RW Rooble wuxuu caddeeyay in laamaha amaanku ay kiiskaan baaritaan ku wadaan, dadkii ku lugta lahaana laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Saaacado ka hor ayaa guriga Imaamka waxaa booqday xubno ka tirsan Midowga Musharixiinta kuwaas oo sheegay in ay ka xunyihiin waxa dhacay, hayeeshee Roobe Rogane oo u muuqday inuu ka jawaabayay hadalka qaar ka mid siyaasiyiinta ayaa yiri, “Imaamka cidna igama xigto oo wiilkiisa ayaan ahay”.

Kadib qeylo dhaan xooggan oo ka soo yeertay Shacabka Muqdisho iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka Rooble ayaa galabta amray in la furo Isgoyska Dabka oo xalay dhagax lagu gooyay, halka uu tagay guriga Imaam Maxamed Yuusuf, saacado kadib booqashadii Mucaaradka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.