RW C/weli: Waxaa billowday Toddobaadka Kacdoonka Dadweynaha {Dhageyso}

Muqdisho (KON) - Raysul Wasaare C/weli Sheekh, Wasiirro iyo Saraakiisha Hay'adaha ammaanka Qaranka ayaa Maanta ka qeybgalay shir bishiiba mar Muqdisho lagu qabto oo looga hadlayey amniga dalka, kaasi oo ka dhacay Dugsiga Tababarka Booliska Jeneraal Kaahiye.
Warar Keydmedia Online
RW C/weli: Waxaa billowday Toddobaadka Kacdoonka Dadweynaha {Dhageyso}

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ay Wehliyaan Wasiirada Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Gaashaandhigga ahna siihayaha Xilka Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo saraakiil Ciidan ayaa kulanka ay ka qeyb galeen waxaa looga hadlayay amniga iyo sida lagu xoojin karo, maadaama maalmihii la soo dhaafay ay dhagar qabayaasha Al-Shabaab joogteyeen beegsiga dadka muslimiinta ah ee Sooman.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo ugu horeyn ka hadlay shirka ayaa faah faahin ka bixiyay howlgaladii ugu dambeyay ee ay ciidanka boliiska ay kasameyeen qaarka mid ah gobolada dalka iyo sidookale magalada Muqdisho oo uu ku sheegay in ay kaga hortageen falal kala duwan oo ay koxaha dhagar qabayaasha ku doonayeen in ay bulshada ku dhibaateeyaan. 

"Saraakiisha iyo ciidankuba waxa ay diyaar u yihiin oo har iyo habeen u taaganyihiin difaaca dalka oo ay ka difaacayaan dhagar qabayaasha Al-Shabaab, waxa ay ka difaacayaan 24-saac suuqyada, xarumaha Waxbarashada, goobaha ganacsiga iyo goobaha kale ee muhiimka ah oo ay kooxaha u diidanyihiin in bulshada ay horumar gaaraan, waxa ay rabaan inay Ummadda ku hayaan Mugdi iyo baqdin, ciidanka waxa ay diyaar u yihiin inay bulshadooda u shaqeeyaan” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Booliska.

Sihayaha xilka Wasiirka Amniga Qaranka ahna Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo isna ka hadlay shirka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in wada sheqeyn wanaagsan ay ka dhaxeyso hey’adaha amniga dalka si loo ciribtiro kooxaha Al-qaacidada ee dhibaateyneyso shacabka Soomaaliyeed.

"Arrintan waxaa wax looga qaban karaa Labo qodob oo ah midda koowaad inta aan wax dhicin in la ogaado lagana hortago, qodobka labaad waa marka uu wax dhaco in laga dabo tego, marka ciidanka waxaan ku boorinayaa inay u istaagaan sidii falalka soo noq noqday in laga hortago” ayuu yiri Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa iclaamiyay todobaadka kacdoonka shacabka Soomaaliyeed, kacdoon kaas oo kusaab san ciribtir ka maleeshiyaadka Al-Shabaab.

"Fursadaan aan uga faa’iideysto in aan iclaamiyo Todobaadka kacdoonka dadweynaha oo aynu geli doono haddii uu Alle idmo, si aan cadowga u tusno isku duubnimada Madaxda, ciidanka iyo shacabka ka dhexeysa oo aan diyaarka ugu nahay in aan iska dhicino, Wasaaradaha iyo Maamulka Gobolka Benaadir waxaan farayaa in laga wada shaqeeyo todobaadka kacdoonka shacabka oo aan ugu tacsiyeyneyno dadkii aan jecleyn ee naga dhintay, islamarkaana noqdo Todobaad aan ku muujinayno carada dadweyne ee dhibta lagu hayo” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cabdiweli.

Ra’iisu wasaare Cabdiweli ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii maanta ay ciidamadu fashiliyeen ee ka dhacay taalada Sayidka oo ay ku dhinteen askar iyo shacab, halka ay ku dhaawacmeen kuwa kale.

Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaaraha iyo Xubnihii Wasiirada ee la socday ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Neil Wigan. Sidoo kale waxa ay la kulmeen Danriha Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Cabdalla Idiris.

Keydmedia Online - War Saxaafadeed