Saameynta Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ee hanaanka dowladnimada

Khilaafka wuxuu Dalka geliyay xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni, taasoo sabab u noqon karta inay faraha ka baxaan guulihii la gaarey sanadihii dambe ee dhanka dowlad-dhisida.

Warar Keydmedia Online
Saameynta Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ee hanaanka dowladnimada

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudo 21 sano ah, laga soo billaabo dowladdii KMG ee lagu dhisay Carta, Soomaaliya waxay ku jirtay hanaan dowlad dhisid ah, taasoo beesha Caalamka uu dhaqaale badan ku bixiyay.

Xukunka wuxuu ahaa mid qori isku dhiib ah, oo dowlad kasta ay xafiiska joogeysay afar sano, iyadoo dalka uu qabanayay doorashooyin daban oo ku saleysan nidaamka qabaliga ee 4.5.

Geedi socodka ma ahayn ma sahlan, waxay dowlad walba shantii dowlad ee soo maray dalka tan iyo 2000, waxay ka dhaxlaysay midii ka horeysay howl-qabyo ah iyo shaqooyin culus.

Khilaafyada siyaasadeed waxay ahayeen kuwa caqabad ku ah hanaanka dowlad dhisida, iyadoo Madaxweyne kasta uu ugu yaraan, labo illaa saddex Ra'iisul Wasaare xilka ka qaadi jiray marka ay is qabtaan.

Madaxweynaha hadda fadhiya Villa Somalia wuxuu July 2020 xilka ka qaadey Xasan Cali Khayre kadib markii ay isku khilaafeen doorasho dadban iyo mid qof iyo cod ah midkii la qaban lahaa.

Khilaafka dowladda Farmaajo wuxuu ahaa midkii ugu nasiibka darnaa, waayo dalka ayuu geliyay khatar weyn inuu dagaalkii sokeeye dib usoo noolaado kadib markii uu isku dayay markii uu waqtigiisa dhamaadey inuu xukunka afgembiyo.

Waxay dad badan aaminsan yihiin in Farmaajo uu dhaawac xoog leh u geystay dowladnimada iyo dimuqraadiyadda Soomaaliya, isagoo kursiga isku dhejinayo, islamarkaana hor-taagan inuu dalka aado doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Farmaajo wuxuu isku dayay inuu Rooble xilka ka qaado, balse ay u suurtageli waysay maadaama Gollahii shacabka ee uu u adeegsan lahaa mudo xileedkiisii dhamaadey, islamarkaana albaabada la isagu dhuftay bishii September.

Soomaaliya waxay ku jirta xiligan marxalad kala-guur ah, oo hareeyay khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble kaasoo sababay inuu dhowr jeer dib u dhaco jadwalka doorashadda illaa December 2020.

Lama huba inay sanadkan doorasho Madaxweyne ama mida Gollaha Shacabka dhici karto, marka la eego caqabadaha jira ee aan xalka laga gaarin iyo kuwa cusub oo marlwalba Farmaajo abuurayo, si waqtiga u daba-dheeraado, isna kursiga ugu sii fadhiyo.

Mudo 9 bilood ah ayuu Farmaajo si sharci darro ah ku joogaa xafiiska, wuxuuna ka shaqeynayaa habeen iyo maalin sidii Rooble ku fashilmi lahaa, isagoo kasoo xiray wado kasta oo doorashadda lagu qaban karay.

Musharixiinta iyo Beesha Caalamka ayaa ka niyad jabay doorashadda dalka, iyadoo Xasan Cali Khayre uu maalmo kahor ka digay inay Soomaaliya noqoti sidii Afghanistan oo markii dowladaha caalamka ka niyad jabeen ay 20 sano kadib Taliban la wareegeen August 2021.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.