Saddex arrin oo laga bartay caleema-saarkii Geelle

Keydmedia Online, waxa ay idiin soo gudbineysaa saddex arrin oo laga bartay caleema-saarikii Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo shalay oo Sabti ahayd ka dhacay Jabuuti.

Warar Keydmedia Online
Saddex arrin oo laga bartay caleema-saarkii Geelle

Jabuuti -  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay markii shanaad loo caleemo-saara xilka Madaxweynaha, kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee bishii hore ka dhacay dalkaas, hadaba waxaan halkaan ku soo bandhigeynaa Saddex arrin oo laga bartay caleema saarkii Geelle.

  • Xiriirka diblumaaliyadeed ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweynaha muddadu ka dhamaatay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa ka baaqday ka qeyb galka caleema-saarkii Geelle, kadib markii uu ka soo laabtay caano-ku-shubkii Yoweri Museveni, waxayna baaqshada Farmaajo bannaanka keentay halka uu marayo xiriirka labada waddan, oo hore isugu maan-dhaafay hadal ka soo baxay Farmaajo oo la xariiray in cunaqabteynta hubka laga qaado Eritrea oo ay Jabuuti is hayaan, xaaladuna ka sii dartay markii Wasaarahada Arrimaha Dibadda iyo Warfaafinta Soomaaliya ay madaxda dalkaas ku sheegeen cadow neceb jiritaanka Soomaalida.

  • Fursadda gooni is ku taagga Soomaaliland.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qeyb galay caleemo saarka Geelle, waxaana loo maamuusay si la mid ah madaxda kale ee Afrika, wuxuu fusad u helay inuu kulamo doceedyo la yeesho hoggaamiyayaal badan oo Afrikaan ah, wuxuuna si guud muujiyay qadiyad Madax-bannaanida Soomaaliland, gabidhacleynta siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Biixi, waxa ay u sahashay masaaxo siyaaasadeed waxaana la duubay muuqaalo uu dhex lugeynayo Madaxda Afrika, waana cashir wax ka badali kara sidii Afrika ula dhaqmi jirtay Soomaaliland.

  • Fashilka Farmaajo, Isaias Afwerki iyo Abiy Axmed.

Waxaa bannanka u soo baxay beentii ay dhdhobeen Farmaajo, Isaias Afwerki iyo Abiy Axmed, kaas oo ay ku sheegeen in ay dhidibada u taageen Is-kaashi geeska Afrika ka hanaqaaday oo lagu raadiyo baraare ku tallaabsasho gobolka ah, kadib markii kaliya Abiy Axmed, oo malaha ugu siyaasad u badan uu xaadiray Caleema-saarka Geelle, Is-kaashi ka jira geeska Afrika oo aan Geelle loogu hambalyeey karin ma jiri karo ee ugu yaraan magaca ka badasha.

KEYMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.