Saddex Maamul oo laga reebay Shir lagu qabanayo Muqdisho

Waxay Keydmedia Online ogaatay inuu Farmaajo bixiyay amarka Saddexda Maamul ee kala ah HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug looga reebay Shirka ay Beesha Caalamka garwadeenka ka tahay ee uu la yeelanayo maalmaha soo socda Deni iyo Axmed Madoobe.

Warar Keydmedia Online
Saddex Maamul oo laga reebay Shir lagu qabanayo Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka ayaa shir ay ku dhex-dhexaadinayso Farmaajo iyo hogaamiyeyaasha Puntland iyo Galmudug ku qabanaysa Muqdisho tododbaadkan.

Xog hoose oo Keydmedia Online ka heshay qaban-qaabiyaasha Shirka ayaa sheegaysa in Farmaajo uu dalbaday inuu la kulmo oo kaliya Deni iyo Axmed Madoobe, isagoo sheegay in Maamullada kale aan loo baahnayn, maadaama ay saxiixeen Heshiiskii doorashadda ee lagu gaarey Shirki Dhuusamareeb 3.

Laakiin, Madaxweynaha wuxuu soo jeediyay in shir guud oo ay ka qeybagalayaan dhamaan Maamullada iyo Xisbiyadda Siyaasadda lagu qabto Muqdisho, kaasoo lagu raadinayo heshiis wado-ogol ah, oo lagu qabanayo doorashadda Baarlamaaniga iyo Mida Madaxweynaha.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa cadaadis markii ay kala kulmeen Safiirka Mareykanka, oo qoraal uu soo saarey ku sifeeyay labada Madaxweyne "Qaswadiyaal" waxayna markii dambe bedeleen go'aankoodii ay ku diidanaayeen natiijadda Shirkii Dhuusamareeb.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.