Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Dhulka Raamo-Gudaa ayaa ah dhul Geedo badan oo ay Shabaabku ku leeyihiin Saldhigyo Ciidan oo Qarsoodi ah, waxaana Deegaanka la duqeeyay uu masaafo dhan 25km u jiraa degmada Afmadow.
Inkastoo Saldhiga la weeraray uu ku yaalo dhul howd ah oo ay aad u adagtahay Isgaarsiinta ayaa hada waxaa soo baxaya Warar kala duwan oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay Duqeyntaasi.
Xariiro kala duwan oo ay Keyedmedia sameysay ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in tirada dhimashada ee ka dhalatay duqeynta ay gaarayso ilaa Sadex Sargaal oo sar sare oo kooxda Shabaabka ka tirsanaa.
Saraakiisha Duqeynta Galabta ku geeriyootay waxaa ku jiray Nin Magaciisa naloogu soo gaabiyay "Sheekh Khaalid" oo horay u ahaan jiray Gudoomiyaha degmada Salagle ee Gobbolka Jubbada Dhexe, kaasoo la sheegay in jirkiisa uu si xun u goo go'ay.
Waxaa sidoo kale jira Saraakiil badan oo ay dhaawacyo Cul-culus ka soo gaareen Duqeynta Galabta dhacday kuwaasoo la sheegay in loola cararay dhanka Magaalada Kismaayo
Sidoo kale Duqeyntaasi ku bur buray Baabuur badan oo kuwa Dagaalka ah kuwaasoo yaalay Saldhiga Shabaabka ee ku yaalo duleedka degmada Afmadow, waxaana tirada baabuurta bur burtay ay dhantay ilaa 10 baabuurta dagaalka ah.
Wixii ku soo kordha Arintaan, ka Aqriso Keydmedia.net
Keydmedia.net - Xafiiska Kismaayo
Add comment
Comments