Saldhigga Al-Shabaab ee Saakow oo la duqeeyay

Waa weerarkii 51aad uu Mareykanka ka fuliya gudaha Soomaaliya sanadkan sii dhamaanaya, iyadoo lagu dilay dad shacab ah iyo Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Saldhigga Al-Shabaab ee Saakow oo la duqeeyay

SAAKOW, Soomaaliya - Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ayaa sheegay inay duqeyn ku burburiyeen xarun oo Al-Shabaab ku lahayd degmada Saakow, ee gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ayaa geystey khasaarooyin kala duwan, inkastoo AFRICOM aysan xaqiijin waxyeellada inta ay la egtahay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.