Saldhigga degmada Marka oo ku sigtay in la qarxiyo

Qaraxan ayaa ka dhacay garaash la yiraahdo Cawaale, kaas oo ku yaalla dhabarka dambe ee saldhigga Booliska maagaalada Marka.

Warar Keydmedia Online
Saldhigga degmada Marka oo ku sigtay in la qarxiyo

MARKA, Soomaaliya- Magaalada Marka waxaa ka dhacay qarax jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada, waxaana ka dhashay qasaaro naf iyo maalba leh.

Qaraxan ayaa ka dhacay garaash la yiraahdo Cawaale, kaas oo ku yaalla dhabarka dambe ee saldhigga Booliska maagaalada Marka.

Laamaha Amniga ee Marka ayaa sheegay in qaraxu ahaa  miino lagu diyaarinaayay qol ku dhex yaalla garaashka, inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday nin lagu magacaabo Saciid Jalbow oo aad looga yaqaano dagmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose, sidoo kale waxaa ku dhintay ninkii diyaarinayay qaraxa.

Burbur xoogan ayaa soo gaaray garaashka, madaama sida la sheegay qaraxa lagu diyaarinayay qol ku dhex yiilay. Garaashka ayaa lagu farsameyn jiray gawaarida noocyadooda kala duwan.

Ciidamo Amniga Marka ayaa hareeyay halka uu ka dhacay qaraxa oo ah garaashka, waxaana la tilmaamayaa in qaraxyo kale looga shaki qabo inay ku jiraan.

Xaaladda Amni ee magaalada Marka ayaa daganeyd bilihii la soo dhaafay, balse qaraxan maanta ka dhacay garaashka ku dhaw saldhigga dagmada Marka oo lagu diyaarinaayay ayaa noqday mid fashilmay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.