Sanbalooshe: Ciidanka Qaranka waa la siyaasadeyay

Taliyihii hore ee Nabad Sugida dalka ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa eedeeyay siyaasadda Dowladda Federaalka, asigoo ka hadlay Ciidamada Qalabka sida iyo xiisadda ka taagan Gobolka Hiiraan. 

Warar Keydmedia Online
Sanbalooshe: Ciidanka Qaranka waa la siyaasadeyay

Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe oo ka hadlay Madasha Aragti-wadaaga ee Heritage oo ka dhacay Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa sheegay in Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay siyaasadeysay dhismaha Ciidanka Qaranka. 

Sanbaloolshe ayaa Farmaajo ku eedeeyay in uu Ciidamadda Qaranka u kala jabiyay labo daraf oo uu u xeerinayo dano gaar ah. 

"Ciidamada waxaa loo kala safay kuwo Tuugo loogu yeero (...) halka kuwa kale loogu yeero Ciidan Qaran" Ayuu yiri Sanbaloolshe. Asigoo hadalkiisa sii wata, ayuu wuxuu yiri "Ciidanka was la qabyaaladdeeyay, waa la corrupti-gareeyay, waa la siyaasadeeyay". 

Dhanka kale, Sanbalooshe oo ka hadlaayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in gobolka Hiiraan uu yahay gobol la iska hilmaamay oo aan mar walba lagusoo hadal qaadin doodaha la xiriira arrimaha cakiran ee ka jira Soomaaliya, isagoo ku sifeeyay gobol agoon ah.

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa xoogga saaraya dhismaha Ciidan qabiil ku dhisan, oo iyaga ka amar qaata, wuxuuna qorshaha ay wadaan lagu tilmaamay mid ay ku doonayaan inay dalka ku qabsadaan.

Kumanaan Ciidan oo qaarkooda lagu soo tababarey Eritrea, ayaa lagu daad-gureeyay gobolka Gedo, kuwaasoo xiisad ka abuuray xadka Kenya iyo Soomaaliya. 

Ma ahan wax qarsoodi ah in Farmaajo mudadii uu xukunka dalka haystay dalacsiiyay Saraakiil badan oo Mareexaan ah, isagoo tiro badan oo Al-Shabaab ah uu kusoo daray qeybaha kala duwan ee Ciidanka iyo Nabadsugidda dalka. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.