Saraakiil ku lug lahayd isku-daygii afgembi oo loo yeeray

Farmaajo ayaa labo jeer sameeyay isku-day afgembi sanadkii tagey oo kaliya, waxaana hadda midkii ugu dambeeyay oo fashilmay uu ka dhacay Xafiiska Rooble.

Warar Keydmedia Online
Saraakiil ku lug lahayd isku-daygii afgembi oo loo yeeray

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Difaaca C/qaadir Maxamed Nuur ayaa u yeeray shan Sarkaal oo kamid ah Ciidanka ilaalada Madaxtooyadda Villa Somalia, oo looga shakisan yahay is hor-taagii lagu sameeyay Ra'iisul Wasaare Rooble inuu xafiiskiisa shaqada tago 27-kii December 2021.

Saraakiishan ayaa katirsan Guutada 77aad ee Xoogga dalka, waxaana looga yeeray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Sabtida soo socota, 8-da January, sida ku xusan qoraalka Wasiirka, oo ku taariikhaysan January 5.

Waxay saraakiisha hortagi doonaan Gudiga baaritaanka isku-daygii afgembiga uu magacaabey Rooble, kaasoo Wasiirka Gaashaandhigga uu gudoomiye u yahay, waxaana la filayaa in shanta Sarkaal ay waydiiyaan su'aallo la xiriira sida ay ku dhacday in Ra'iisul Wasaaraha loo diido xafiiska iyo cida bixisay amarka.

Farmaajo waqtigiisa dhacay Feb 2021 ayaa labo jeer sameeyay isku-day afgembi sanadkii tagey, waxaana hadda midkii ugu dambeeyay oo fashilmay uu ka dhacay Xafiiska Rooble.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.