Saynab Maxamed Nuur “Aabahay waxaa dilay Farmaajo”

Waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan Geerida AUN Marxuum Galaal oo ku geeriyooday weerar ay soo qaadeen Kooxda Al-Shabaab, kaasoo lagu laayay dad badan oo uu kamid ahaa Jananka.

Warar Keydmedia Online
Saynab Maxamed Nuur “Aabahay waxaa dilay Farmaajo”

MUQDISHO, Soomaaliya - AUN Janaraal Maxamed Nuur Galaal wuxuu ku geeriyooday weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaadeen Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay sheegteen kooxda Al-Shabaab, balse dilka Jananka waxaa kasoo baxay warar kala duwan oo is khilaafsan.

Gabar uu dhalay AUN Marxuumka oo lagu magacaabo Saynab Maxamed Nuur Galaal oo ah gabadha uu dhalay Marxuumka, kuna sugan waddanka Canada, waxay u warrameysay Idaacadda Kulmiye waxa ayna sheegtay in dilka Aabaheed ay uga shakisan tahay ciidamada dowladda.

Waxay taleefan kula hadashay laba wiil ay dhashay Eedadeed, mid kamida ayaa la hadlay Aabbe, wuxuuna u sheegay in uu ku jiro Hotel ka, xabadna ay ku socoto, sidoo kale wiilka ayaa yiri Adeer wuxuu iga codsaday in aan Taleefanka ka daayo, waana u hoggaansamay amarka adeer oo taleefan dambe kuma wicin.

Wiilkii kale ayaa la hadlay in cabaara markii laga joogo, isna wuxuu yiri “Adeer wuxuu ii sheegay in laba ka tirsan kooxda weerka soo qaadday ee Al-Shabaab inuu dilay, wuxuu kaloo ii sheegay in xabadda ay ka socoto jaranjarada hoose, ciidamadii dowladdana ay soo galeen gudaha Hotel ka, halkaas oo ay ka socoto xabad, adeer wuxuu saarnaa Balaakoonka qolkiisa” wuxuu kaloo intaa ku daray in Adeerkiis Maxamed Nuur Galaal uu ka guuleystay kooxdii soo weerartay, markii dambana ay hotel ka soo galeen ciidamadii dowladda.

Saynab Maxamed Nuur oo ka sheekeeneysa sida loo dilay Aabaheed ayaa intaa ku dartay in wiil kale oo ka tirsanaa ciidamada Haramcadka loo yaqaan Adeerna uu u ahaa Marxuumka ayaa uu damcay adeerkii uu gudaha ugu galo, balse loo diiday, wiilka ayaa codsaay in loo ogolaado in Adeerkii uu gudaha ku jiro, islamarkaana uu ubaahan yahay inuu la kulmo haddii lasoo badbaadiyay, balse waa loo diiday sida ay sheegtay Saynab Maxamed Nuur oo sheekada warineysay.

Aabahay waxaa dilay Farmaajo oo bixiyay amarka” Saynab ayaa sidaas u sheegtay Radio Kulmiye.

Jananka intii uu noolaa waxaa qolka ugu galay rag la sheegay in uu soo diray Madaxweyne Farmaajo oo weliba ku hayb ah, 7:00 Pm wuu noolaa, dowladduna waxay sheegtay in ay soo badbaadiyeen hayeeshee xilli dambe ayaan maqalnay Shir Jaraa’id oo lagu shaaciyay in la dilay Janaraal Galaal.

AUN Marxuumka ayaa intuusan dhiman wuxuu dhowr jeer oo hore ka qeyb galay shirar lagu dhaliilayo dowladda, sidoo kale waxa uu casuumaad ka helay madaxweyne Farmaajo isagoo la wadaagay xeelad wax looga qabanayo amniga iyo ciidamada, waxa uuna la kulmay Madaxweynaha isagoo ka careysan halka uu usoo mariyay waraaqda, waxa uuna marxuumku warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha dalka uusan ku qancin soo jeedintiisii, wuxuuna dhowr jeer baajiyay ballan uu la lahaa isaga, taasina waxay kamid tahay waxyaabaha dhliyay tuhunka xooggan ee ku aaddan in dilka Jananka ay ka dambeyso Dowladda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.