Saynab Xaabsey oo weli la jiifto dhaawac kasoo gaaray jirdil Askari u geystay

Askari katirsan Ciidanka dawladda, oo ilaalo ka ah xarunta maamulka Gobolka Banaadir, ayaa 24-ka bishan jirdil u geystay guddoomiyaha xilli ay doonaysay inay ka qeybgasho munaasad lagu xusayay sanad-guuraddii 1aad ee kasoo wareegatay qaraxii lagu dilay Eng Yariisow.

Warar Keydmedia Online
Saynab Xaabsey oo weli la jiifto dhaawac kasoo gaaray jirdil Askari u geystay

MUQDISHO, Soomaaliya – Muddo shan cisho ah waxaa weli isbitaalka Digfeer ku jirta guddoomiyaha degmada Warta-Nabadda [Wardhigleey] Saynab Xaabsey oo dhawaan jirdil xooggan loogu geystay afaafka hore ee xarunta Aqalka dawladda hoose ee Xamar.

Qaar katirsan dhaqaatiirta Isbitaalka oo la hadlay Keydmedia Online, ayaa sheegay in xaaladda guddoomiyaha ay weli darantahay, islamarkaana uusoo gaaray dhaawac culus oo sababy in mudda intaa la eg isbitaalka gudihiisa lagu hayo.

Dhaqaatiirta waxay kaloo sheegeen in guddoomiyaha lagu garaacay qoray baadkiisa, islamarkaana uu jiro jabniin dhanka feeraha ah, kaasoo sababay inuu dhiig gudaha ugu furmo, waxaana la sheegayaa in xaaladeeda weli lala tacaalayo.

Jirdilka gabadhan oo horey uu dhaawac daran uga soo gaarey qaraxii xarunta gobolka Banaadir sanadkii tagey, ayaa la sheegayaa in uusan ku koobney kaliya qori baadkiisa, balse lagu is istaagay, taasoo sababtay in dhaawac culus oo dhanka feeraha kasoo gaaro, sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta.

24 Bishan ayay aheyd markii Ciidamada ilaalada u ah guddoomiye Saynab Xaabsey iyo askarta ilaalisa xarunta dawladda hoose ee Xamar ay isku dhaceen, kadibna jirdil loo geystay Seynab, oo xiligaasi doonaysay inay ka qeybgasho xuska sanad-guuradii 1aad ee qaraxii lagu dilay Eng Yariisow iyo Mas'uuliyiin kale.

Saynab Maxamed Warsame (Xaabsey) ayaa ka mid ah gabdhaha fara ku tiriska ah ee gobolka Banaadir xilka ka haya, waxaana xusid mudan in sanadkii hore ay ka bad baaday qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, balse dhaawaca ka soo gaaray qaraxaas loogu qaaday dalka Qatar, iyadoo markii dambe ka soo bogsatay.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 20 September 2020 14:00

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dhawaan shaaciyay inay magaalo kasta oo kamid ah Galmudug loo sameyn doono Golle degaanka, si shacabka ay usoo doortaan hogaamiyaasha ay doonayaan, oo aan dusha looga keenin.