Sidee uga bixi karnaa qaran-jabka nuga dhacay?

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabbdishakuur Warsame, ayaa soo jeediyay dhowr qodob oo ay tahay in la sameeyo si shacabka Soomaaliyeed uga baxo tiiha iyo tiiraanyada dul saran muddada dheer.

Warar Keydmedia Online
Sidee uga bixi karnaa qaran-jabka nuga dhacay?

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida la rumeysan yahay qaran-jabka Soomaaliya waxaa horseeday gabbood-fal karaara dhaafay oo uu geystay nidaamkii kali taliska ahaa ee uu hoggaanka u yahay Maxamed Siyaad Barre, kaas oo tobankii sano ee danbeeyay ee muumulkiisa, hirgaliyay eex iyo addiyad Soomaali ilaa maanta isugu soo laaban la’dahay.

Sida muuqata wali lugta lama saarin toobiyaha toosan, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabbdishakuur Warsame, ayaana soo jeediyay in la hir galiyo dhowr arrin oo muhiim ah, si Soomaalidu uga baxdo qaran-jabka ku dhacay ee horseeday hoogga, qabjab-ka, iyo sharaf dhaca.

“Waxaa innaga saari kara gefkeena iyo gaboodfalkii la gaystay oo aan garawshiyo ka bixino, meel iska dhigno aragtida dhagar maleegga ku dhisan (Conspiracy Theory), fahamno caqabadaha inagu horgudban iyo fursadaha aan haysanno, la imaanno karti, xirfad iyo xeelad aan ku furdaaminno taxiyaadka, kagana dabaalanno meertooyinka iyo masaalixda isku milgan ee gobolka iyo dunida?. Ayuu yiri Warsame.

Hoggaamiyaha Wadajir wuxuu hoosta ka xariiqay in dhibaatada Soomaaliya ka taagan looga bixi karin, tabasho, eed sheegad iyo faan, wuxuuna qodobadaas ku tilmaamay kuwo loga cararayo masuiliyadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.