Sh.dhexe oo xiligii Zakada la badalay

Muqdisho(Keydmedia) Maamulka ka taliya gobalka Sh.dhexe ayaa shaaca ka qaaday in dhamaan Ganacsatada iyo xoolaleyda gobalka Sh.hoose laga doonayo in ay mudada ka dhiman bisha Ramadaan ay Zakada ugu soo fara galiyaan maamulka.
Warar Keydmedia Online
Sh.dhexe  oo xiligii Zakada la badalay

"Dhamaan ganacsatada iyo xoolaleyda waxaa la farayaa in ay Zakada ku bixiyaan inta ka harsan Bisha Ramadaan, ciddii aan sidaa yeelina waxaa laga qaadi doono talaabo ay ugu horeyso in la joojiyo dhaqdhaqaaqiisa" sidaa waxaa yiri u qeebsanaha arimaha zakada ee maamulkaasi.

Inkastoo maamulkan uu ka dhawaajiyay arinkan ayaa hadana dhanka kale waxaa xusid mudan in Diinta islaamka marka ay ka hadleyso arimaha zakada ay fartay umadaha Islaamka in ay zakada ku bixyaan Xili iyo muda go'an, waxaana muuqaneysa in maamulkaasi uu hareer maray arinkaasi.

www.keydmedia.net




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.