Shabaab oo Ganacsato ku Xiray Baardheere

Baardheere(KON)-Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ayaa maanta Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ku xiray Ganacsato Soomaaliyeed.
Warar Keydmedia Online
Shabaab oo Ganacsato ku Xiray Baardheere

Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Shabaab maanta halkaa ay ku xireen Ganacsato gaareeysa ilaa 10 Ruux.

Ganacsatada Al-shabaab ay Baardheere ku xireen ayaa waxaa ka mid ah Ganacsade C/risaaq Sangub oo Degmada si weyn looga yaqaano.

Goobjoogeyaal ayaa Keydmedia online u sheegay in Xariga Ganacsatada ay daba joogto ka dib markii Al-shabaab ay Amreen in la Xiro Ganacsatada oo la sheegay in ay Dhiibi waayeen Lacago lagu soo qoray.

Dhanka kale Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Magaalada ka Aruuriyeen Culumada Tagfiirka loo yaqaano,waxaana ay kala wareegeen Ilaa Labo Masaajid oo Tagfiirku Magaalada ay ku lahaayeen.

Lama oga Ujeedka Shabaab ay U Xirxireen Ganacsatada iyo Culumadda Tagfiirka ee maanta lagu Xiray degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho