Shacab ku nafwaayay qarax ka dhacay koofurta Mudug

Miino ay Al-Shabaab ku aaseen mid ka mid ah waddooyinka gala Bacaadweyn ayaa sababtay geerida dad shacab ah oo ka baxay degaanka Wisil.

Warar Keydmedia Online
Shacab ku nafwaayay qarax ka dhacay koofurta Mudug

BACAADWEYN, Soomaaaliya - Laba qof oo shacab ah ayaaa ku geeriyooday qarax nuuca dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay Gobolka Mudug, gaar ahaan inta u dhaxeysa degaannada  Qeycad iyo Bacaadweyn oo dhaca Koofurta Gobolka.

Miinada oo ahayd mid xooggan ayaa la kacday gaari caasi ah oo sii galayay Bacaadweyn, kaasoo la rumeysan yahay inuu ka baxay magaalada Wisil.

Inta la xaqiijiyay kaliya labada ruux ee geeriyootay ayaa saarnaa gaariga, waxaana guud ahaan burburay baabuurka qaruxu la kacay.

Dagaallo soo laalaabtay ayaa maalmahaan ka aloosnaa degaannada dhaca Koofurta Mudug, kuwaas oo u dhaxeeyay Kooxda Al-Shabaab iyo Ciidanka Daraawishta Galmudug.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa dhawaan tagay magaalada Bacaadweyn, iskastoo ay dib uga soo baxeen saacado markii ay dhawr goobood dagaalladu ku fideen.

Dadka degaanka ayaa soo warinaya in Al-Shabaab ay miinooyin ka buuxiyeen jidadka gala Bacaadweyn taas oo dhibaato ku ah dadka shacabka ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.