Shacab Lagu Af-Duubtay Gobolka Sool

Wararka aan ka imaanaya Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas xalay fal af-duub ah loogu geystay dad shacab ah, kuwaasi oo aan weli la ogeyn halka la la aaday.

Warar Keydmedia Online
Shacab Lagu Af-Duubtay Gobolka Sool

TALEEX, Soomaaliya - Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa ku waramay in dadkaan ay kooxo hubaysan ka af-duubteen deegaanka carrooley, xilli ay ka yimaadeen beeraha xallin oo ka tirsan degmada Taleex ee Gobolka Sool.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kooxda af-duubka gaysatay ay ahaayeen maleeshiyo beeleed hubaysan, kuwaas oo sida la wariyay ka caraysan nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur oo Soomaaliland ku xirtay magaalada Berbera.

Wararkii ugu dambeeyay ee halkaa laga helayo ayaa sheegaya in ay socdaan baaritaano lagu raadinayo halkii ay ku dambeeyeen dadkii la af-duubtay, waxaana taagan xiisad falkaas ka dhalatay.

Ma ahan markii ugu horaysay oo af-duub noocaan ah uu ka dhaco Gobolkaas, dhawaan ayayna aheyd markii sidaan oo kale degaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool lagu af-duubtay dad shacab ah oo safar ahaa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.