Shacab lagu xirxiray Boosaaso

Boosaaso(keydmedia) Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in halkaasi ciidamada Faroole ay ka xirxireen dad rayid ah oo ku sugnaa magaaladaasi.
Warar Keydmedia Online
Shacab lagu xirxiray Boosaaso

Dadka la xirxiray ayaa laga soo qabqabtay xeryaha dadka barakacay ee magaalada Boosaaso waxaana lagu sheegay tirada dadka la xirxiray in ka badan 50 ruux oo dhalinyaro u badan.

Talaabooyinka lagu xirxirayo dhalinyarada iyo dadka ka soo jeeda gobalada koonfureed ee Soomaaliya ayaa dhawaanahaba Bari iyo Nugaal ka ahaa ku soo laalaabtay deegaanadaasi.

Dadka la xirxira qaarkood ayaa loo sii gudbiyaa xabsiya ku yaala Dalka Itoobiya halka kuwa kalana la sii daayo kolka laga qaato lacago madaxfurasha ah.

Www.keydmedia.net