Shaqaaqadii xabsiga Dhexe yaa la baaraa yaase laga baaraa?

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa in aysan hab sax ah u mareynin baaritaanka arinta Xabsiga Dhexe, uuna la mid yahay baaritaanadii hore oo aan wax natiijo ah ka soo bixin.

Warar Keydmedia Online
Shaqaaqadii xabsiga Dhexe yaa la baaraa yaase laga baaraa?

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo shaki badan laga qabay shaqaaqadii ka dhacday gudaha xabsiga Dhexe ee Muqdisho, ayaa hadana su'aalo badan laga keenay habka dowladda Soomaaliya u mareyso baaritaanka arintan xasaasiga ah oo aad indhaha loogu wado hayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa baaritaanka arintan u magacowday guddi ka kooban 6 xubnood kuwaas oo kala ah: Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaaladda oo ah guddoomiyaha guddiga, Sulaymaan Maxamed Maxamuud Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka,

Sidoo kale, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) Taliyaha Ciidanka Booliska, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kameey Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada iyo Gaashaanle Sare Guuleed Sheekh Xuseen Aadan Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada.

Inkastoo dhismaha dowladnimada ay kala sarreeyso hadane quburo dhanka Amniga ah ayaa su'aalo ka keenay sababta guddigaan loogu daray Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ah masuulka koowaad ee wax laga weydiin lahaa dhacdadii xabsiga Dhexe maadaama taliskiisa xabsiga hoos tago.

Doodda ayaa ah haddii taliyihii ugu sarreeyay xabsiga Dhexe ee dalka, oo arintiisa laga walaacsanyahay uu baarayaasha qeyb ka yahay cidda la baarayo iyo cidda wax laga baarayo? Taasoo rajo xumo laga muujiyay in baaritaanka laga soo saaro natiijo daah furan oo lagu wada qanci karo.

Marka ay timaado arin dembi baaris ah ayay quburada Amniga sheegayaan in ay laga maar-maan tahay in la su'aalo cid kasto oo masuuliyad ka heyso xeyndaabka wax ka dhaceen, balse ay la yaabtahay in ciddii la baari lahaa in iyada naftirkeeda wax baareyso.

Guddigaan loo xilsaaray baaritaanka dhacdadii xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa laga sugayaa in ay 10 Maalin gudahood cadeymo hufan ku keenaan sida ku xusan digreetada lagu magacaabay.

Dhinaca kale Warar lagu kalsoonaa karo oo ay Keydmedia Online heshay ayaa sheegaya in dhamaan ciidankii ilaalada Xabsiga Dhexe iyo qaar ka mid ah ciidankii ku suganaa kontaroolada laga soo galo Xabsiga la bedelay, sababo la xiriiro dagaalkii Isniinta ka dhacay gudaha Xabsiga.

Iska horimaadkii gabaldhicii Isniinta ku dhex maray gudaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ciidamada Asluubta iyo maxaabiis hub gacanta ku dhigay ayaa waxaa ku dhintay 19 ruux oo isugu jiro maxaabiis iyo saraakiil ciidan, halka ay tiro kale ku dhaawacmeen.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.