Al-Shabaab oo ka faa’iidey nidaamka jilicsan ee Dowladda

Sheekh Shariif, oo soo noqday Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Al-Shabaab dhaqaalo ahaan ay intii hore ka xoog badan tahay maanta, canshuurna ka qaadaan ganacsatada Muqdisho iyo goobaha ay dowladda maamusho. 

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo ka faa’iidey nidaamka jilicsan ee Dowladda

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, ayaa xalay uga qeyb galay Khadka Internet-ka (ZOOM) oo uu soo qaban-qaabiyay Machadka Mareykanka la dagaalanka argagaxisada ee ACTRI.

Shirkaan oo looga hadlay arrimaha amniga ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay safiirkii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Soomaaliya Amb Stephen Schwartz, Martine Zeuthen oo ah khabiir dhinaca amniga iyo la dagaalanka argagixisada iyo Maxamed Axmed oo ka tirsan Machadka shirka qabtay ee ACTRI.

Sheekh Shariif ayaa faah-faahin dheer ka bixiyay sababta iyo caqabadaha hor taagan in la soo gabagabeeyo istiraatiijidiyadda dagaal ee Al-shabaab oo 14 sano jirsatay, isagoo daboolka ka qaaday arrimo badan oo hor taagan dowladnimada Soomaaliya.

Waxuu sheegay in Al-Shabaab ay ka faa'iideysatay nidaamka jilicsan ee dowladnimada Soomaaliya, bur-burkii ku dhacay dalka, aqoon la'aanta iyo wacyiga bulshada oo aad u hooseeyo, taasina ay u baahantahay feker dheeraad ah oo loogu midoobo.

Sheekh Shariif ayaa intaas ku daray in Al-shabaab maanta ay ka xoog badan tahay dhaqaalo ahaan sidoo hore, iyagoo canshuur ka qaada Dekadda Muqdisho oo uu sheegay in aysan jirin alaab aysan canshuurin, oo kasoo degta.

"Waa xaqiid aan la iska indha-tiri karin in Al-Shabaab markii hore ay maanta ka awood iyo dhaqaale roon tahay, maadaama ay canshuur ka qaado meel kasta oo kamid ah dalka, iyadoo Kooxda hadda billowday inay canshuur xoogan ay ka qaataan dekedda Muqdisho oo aaney kasoo degin wax aysan la socon," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxay taasi u sahlaysaa inay fuliyaan weeraro halis ah oo dad rayid ah lagu gumaado, sida weerarkii Zoobe ee 14-kii October 2017 ay ku dileen shacab aad u badan, oo ku dhawaad 1,000 qof gaaraya, sidoo kalena boqolaal kale ku dhawaacay.

Ugu dambeyntii, Sheekh Shariif ayaa sheegay in dowladda haatan jirta aysan ahmiyad buuxda siinin la dagaalanka Al-Shabaab oo ay ku mashquushay arrimo kale, taasina ay sabab u tahay jiritaanka Al-Shabaab iyo in ay dhaqaalo ahaan xoogeystaan.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.