Sh. Shariif oo dib u abaabulaya Midowgii Musharrixiinta

Kulanka waxaa ka maqnaa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kuwaas oo matoor aan damin u ahaa, mucaardkii Farmaajo, waxaana la is weydiinayaa u jeedka Madaxweyne Shariif ka leeyahay dib u abaabulka siyaasiyiinta.

News Keydmedia Online
Sh. Shariif oo dib u abaabulaya Midowgii Musharrixiinta

MUQDISHO, Soomaaliya – Keydmedia Online ayaa ogaatay in xubno ka tirsanaa Golihii Midowga Musharrixiinta, oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, galinkii danbe ee shalay kulan qarsoodi ah ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Kulankaas oo ka dhacay hogyga Sheekh Shariif, ayaa la sheegay in ay ka qeb galeen, xubno uu ku jiro Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre, Shariif Xasan Aadan, Daahir Maxamuud Geelle iyo siyaasiyiin kale, oo dhamaantood xubno ka ahaa mushasixiinta.

Masuuliyadda qabsoomidda kulankaan, waxaa lahaa, Shariif, kaasoo la sheegay inuu soo jeediyay in Golaha uusan kala tagin una taagnaado la xisaabtanka xukuumadda soo socota, hayeeshee ma cadda go’aanka ay isku raaceen shaqsiyadka ka qeyb galay kulnaka.

Kulanka waxaa ka maqnaa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kuwaas oo matoor aan damin u ahaa, mucaardkii Farmaajo, waxaana la is weydiinayaa u jeedka Madaxweyne Shariif ka leeyahay dib u abaabulka siyaasiyiinta.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa hore loo wariyay inuu aqbalay, in loo magacaabo, Ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Xasan u qaabilsan Arrimaha Dib-u-heshiisiinta Qaran iyo wada hadalka Soomaaliya iyo Maamulka gooni u goosadka ah ee Soomaaliland.

Shariif, waa xubin ka tirsan Golaha Shacabka, waana hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran, 39 cod ayuu helay doorashadii Madaxweynaha ee dhacaday bartamihii bishii na-weydaaratay ee May 2022, wuxuuna soo noqday Madaxweynihii 7-aad ee dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.